Biden Oo Nin Madow U Magaacabay Xoghaya Gaashaandhiga Maraykanka

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa xoghayaha difaaca u magacaabay janaan Lloyd Austin oo haatan howl gab ah.

Janan Austin, oo 67 sano jir ah, wuxuu noqonayaa qofkii ugu horreeyay ee Afrikaan Mareykan ah ee hoggaamiya Waaxda gaashandhiga ee Pentagon-ka.

Janan Austin, oo hogaaminayay Taliska Dhexe ee Mareykanka intii uu jiray maamulkii Obama, wuxuu u baahnaandoona ansixinta aqalka congress-ka maadaama ay ka yartahay 7 sano markii uu howlgab noqday.

Go’aanka Mr Biden ayaa imanaya laba toddobaad ka dib markii uu ku dhawaaqay xubno kale oo sarsare oo ka tirsan kooxda amniga qaranka.

Mr Biden iyo Janan Austin ilaa iyo hadda kama aysan hadlin arrintan.
Qariirada Politico ayaa markii ugu horeysay ka warbixisay go’aanka Mr Biden uu ku magacaabay Janan Austin inuu noqdo xoghayaha difaaca, iyadoo soo xiganeysa seddex qof oo xaalada wax ka og.

Waxay sheegtay in Janan Austin inuu yahay nin khibrad dheer leh oo aamin ah.

Waxaa la sheegay in janan Austin lasoo xulo ay kusoo aaday iyadoo ay sii kordhayaan baaqyada ururada bulshada iyo baaqyada ay soo jeedinayaan taagerayasha xisbiga Dimuqraadiga ee qowmiyadaha Madowga, Aasiyanka, Latino si loo hubiyo in Mr Biden uu beelaha laga tirada badan yahay iyo haweenka u magacaabo xilalka sare ee golaha wasiirada.

Dhanka kale, CNN ayaa soo xigatay illo sheegaya in Mr Biden uu u soo bandhigay jeneraalka shaqada dhamaadka usbuucii hore iyadoo janankana uu Madaxweynaha ka aqbalay xilka loomagacaabay

Jananka afarta xiddig leh ayaa sanadihii 2013-16 wuxuu hogaamiyay Taliska Dhexe ee Mareykanka, oo aaga uu masuulka ka yahay ay ka mid ahayeen Bariga Dhexe, Aasiyada Dhexe iyo qeyb ka mid ah Koonfurta Aasiya.

Intaas ka hor wuxuu ahaa ku-xigeenka madaxa Milatariga iyo taliyihii ugu dambeeyay ee ciidamada Mareykanka ee Ciraaq.