Cali Cumar Oo Falanqeeyay Xidhiidhka Cusub Ee Somaliland Iyo Kenya

Hargeisa(GNN):-Ganacsadaha iyo  alanqeeyaha siyaasadda Cali Cumar Xasan Guuleed, ayaa soo dhaweeyay socdaalka uu Madaxweyne Biixi ku joogo dalka Kenya.

Xaaji Cali, wuxuu Geeska Afrika u sheegay in socdaalkani uu Somaliland u soo hoyn doono guul siyaasadeed oo cusub, “Adduunyada wareeg baa ka jira, wareegana waxa sababa taariikh hore oo jirtay. Somaliland iyo Kenya waxa hore uga dhexeeyay taariikh guun ah oo la soo bilaabantay wixii ka horeeyay markii ay labada dal xorriyadda ka qaateen Ingiriiska, waxaanan arkayaa in labada dal hadda dib boodhka uga tumayaan taariikh iyo iskaashi muddo dheer soo jiray.” Ayuuyidhi Cali, waxaanu intaas raaciyay, “Waxaan leeyahay nabsigu madi ma noqdo, waxaanan Madaxweynaha JSL ku bogaadinayaa socdaalka Kenya, waxaanan Madaxweynaha Kenya uga mahadnaqayaa sida uu u soo dhaweeyay weftiga Somaliland. Waxa kaloon labada madaxweyne ku bogaadinayaa isfahamka ay gaadheen iyo qodobbada ay soo saareen ee khuseeya ganacsiga iyo diblomaasiyadda.”

Waxa uu Ganacsade Cali Cumar intaas ku daray, “Madaxweyne Biixii yo Madaxweyne Uhurru waxay u duceeyeen inay Muqdisho nabadi ka aslaaxdo, waxaase wax lala yaabo ah inuu Farmaajo cilaaqaadkii ka goostay nimankii u duceeyay.”

Cali, wuxuu intaas raciyay, “Gobalka waxa ka jira dhaqdhaqaaqyo badan, waxaana muuqata inay Somaliland iyo Kenya dhinac u wada socdaan, waana sida ay tahay in loola jaan-qaado hadba wixii soo kordha.”