DP World oo kala hadashay Somaliland iyo Senegal qorshe lagu mataanaynayo marinnada ganacsi ee Dekeddaha labada dal.

Hargeisa(GNN):-Guddoomiyaha ahna maamulaha guud ee Shirkadda maamusha dekeddo badan oo caalamka ah oo ay ku jirto marsada caalaamiga ah ee Berbera Suldaan Axmed Bin Sulayman, ayaa sheegay in uu madaxweyneyaasha Somaliland iyo Senegal ka wada hadleen qorshe labada Waddan lagaga hirgelinayo xarumo waaweyn oo ah hab-ganacsiyeed waraabiya Bariga iyo Galbeedka Afrika, kuwaasoo la doonayo in ay marin ganacsi u noqdaan Dekeddaha Berbera iyo kuwa dalka Senegal.

Shirkadda DPWORLD, ayaa Jamhuuriyada Somaliland la gashay sanadkii 2016-kii heshiis maal-gelineed oo ku kacaya malaayiin doollar oo lagu horumarinayo Marsada caalamiga ah ee Berbera, taasoo la filayaa wajiga koowaad ee balaadhinta iyo casriyeynta Dekeddu in uu dhamaado horaanta sanadka 2021.

Si’ taasi lamida waxa ay Shirkadda DP World todobaadkan la gashay Dawladda Senegal heshiis ay ku maalgelinayso mashruuc lagu dhisayo Deked weyn iyo suuq Ganacsi oo laga hirgelinayo meel wax yar u jirta Caasimada Dalkaasi ee Senegal, mashruucaasoo ku kacaya lacag lagu qiimeeyey $1.1 billion oo lacagta Maraykanka ah, kana kooban dhismaha Deked baaxad leh oo loogu talogalay inay ka soo degaan Badeecado tiro badan, Suuq ganacsi oo cashuuraha ka caagan iyo adeegyo kale oo la xidhiidha horumarinta kaabeyaasha ganacsiga, wajigiisa koowaadna uu ku kacayo $837 Milyan oo dollar.

Madaxa Shirkaddan laga leeyahay Imaaraadka Carabta ee DP World Sultan Bin Axmed oo qoraal kooban soo dhigay maalin kaddib munaasibada ay heshiiska ku gaadheen dawladda Senegal, ayaa daboolka ka qaaday in uu Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo dhigiisa Senegal Macky Sall ay isla soo qaadeen sidii ay labada dal qayb uga noqon lahayeen qorshaha ay Shirkaddiisu hogaaminayso ee dekeddaha labada dal lagaga dhigayo habbaha ganacsi ee Galbeedka iyo bariga Afrika.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan kala shaqeeyo Mudane Madaxweyne Macky Sall iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi qorshayaal sahlaya sidii Somaliland iyo Senegal looga hirgelin lahaa xarumo waaweyn oo Baddeecadaha ah iyo marin loo maro galbeedka iyo Bariga Afrika”ayuu yidhi Guddoomiyaha DP World Sultan Axmed Bin Suleyam.
Geesta kale, isagoo ka hadlayey mashruuca dhismaha Dekedda ay shirkadda DP World ka samaynayso Senegal waxa uu sheegay “Dekeda cusub waxay abuuri doontaa shaqooyin, waxay soo jiidan doontaa maalgashi shisheeye oo toos ah iyo maalgashadeyaal caalami a, waxayna awood siin doontaa fursado ganacsi oo cusub oo keena kala duwanaansho dhaqaale”ayuu raaciyey.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Xukuumadda Somaliland oo la xidhiidha hadalka ka soo baxay masuulka u sareeya Shirkadda DP World, hase yeeshee qorshaha uu beyaamiyey Sultan Axmed Bin Suleyam, ayaa ah mid horeba qayb uga ahaa istaraatiijiyada heshiiska saddex geesoodka ah ee maal-gelinta Dekedda Berbera.

Labada Waddan ee Somaliland iyo Senegal ayaa dhaca cidhifyada galbeedka iyo Bariga ee Qaaraada Afrika, waxaanay marka laga yimaada muhiimada dhuleed ee ay ku yaallaan wadaagaan xasiloonida Siyaasaddeed, dhaqaale iyo fursadaha maalgashi.