Ethiopia Oo Qabatay Hub-wax-gumaada Oo Ay Leedahay TPLF

Ciidanka Itoobiya ayaa sheegay in ay heleen 13 gantaal oo lagu qariyay baqaar si gaar ah loo leeyahay oo ku yaala magaalada Mekelle ee xarunta gobalka Tigray.

Gantaalada ayey tilmaameen ciidanka Itoobiya in yihiin noocii ay TPLF u adeegsatay weeraradii ay ku qaaday magaalooyinka Bahr Dar ee ismaamulka Amxaarada iyo magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea.

Waxay sheegeen ciidanka in 7 gantaal laga isticmaalay oo ay heleen sanduuqii laga bixiyay.