Goormuu dhacayaa kulanka tooska ah ee Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Kenya?

Hargeisa(GNN):-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan toos ah la yeellanaya dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta, kaddib marti qaad uu Magaalada Nairobi ku jooggo Madaxweyne Biixi.

Kulankan ayaa ah mid aad u xaasaasi ah oo ay labada dhinac ku jeexayaan qorsheyaal cusub iyo Iskaashi labada dal dhex mara oo bilow u noqda hayaan hor leh.

Geesta kale, waa Shir labada dhinac mid walba danno gaar ah ka leeyahay, qabsoomidiisana masaaliix ka eegayo.

Weftiga Madaxweynaha JSL oo ay weheliyaan xubno kamida Golaha Wasiirrada, ayaa garoonka diyaaradaha loogu soo dhaweeyey qaab diblomaasiyaddeed laba waji leh.

Soo dhaweynta kaddib, weftiga waxa la dejiyey Hudheel caan ah oo diblomasiyiinta lagu hooyo, halkaasoo ay gelinkii dambe ee maanta kulamo aan rasmi ahayn uga bilaabmeen masuuliyiin hoose oo ka tirsan Dawladda kenya.

Hase yeeshee, Kulanka ugu muhiimsan ee labada Madaxweyne, ayaa qabsoomaya maalinta Isniinta ee Beri.

Sidaasina waxa sheegay Wasiirka Arrimaha dibada Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo Telefishanka Qaranka kula hadlay Hudheelka Weftigu degen yahay.