Hiiraan: Dagaal Qasaare Gaystay Oo Dhexmaray Maleeshiyo Beeleed

Faah faahino dheerad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan weerar geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac , kaas oo ka dhacay degaan ka tirsan gobolka Hiiraan ee maamulka Hir-Shabeelle.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxa la sheegay in ay rasaaseeyeen gaari ay sarnaayeen dad Shacab ah xilli uu marayay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Matabaan iyo Baladwayne.

Inta la xaqiijiyay weerarkaas ayaa waxaa ku geeriyooday hal ruux laba kalena waa ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo dhamaantood saarnaa gaariga ay maleeshiyadka hubeysnaa rasaaseeyeen.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dadka ku dhaawacmay weerarkaas la geeyay dhaawacooda degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, isla markaana dadkii ka dambeeyay ay goobta ka baxsadeen.

Weerarkaas ayaa waxaa loo sababaeynayaa arrimo la xiriira aanooyin qabiil, waxaana saacadihii la soo dhaafay degaano hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan siyaabo kala duwan loogu dilay laba darawal oo Caan ka ahaa Gobolka Hiiran.