Jilaaga caanka ah ee Sunny Deol oo laga helay Covid-19

Jilaaga caanka ah ee shirkadda filimada Bollywood, ahna xildhibaanka baarlamaanka ee ka tirsan xisbiga BJP, Sunny Deol, ayaa laga helay cudurka Covid-19, sida uu sheegay xoghayaha caafimaadka ee gobolkaHimachal Pradesh, sida ay ku warrantay warbaahinta Hindustan.

Xoghayaha caafimaadka ee gobolka ayaa warbaahinta PTI u sheegay in jilaaga iyo saaxiibadiisa ay qorsheynayeen inay aadaan magaalada Mumbai balse markii la baaray waxaa lagu arkay cudurka.