Maamulaha Dahabshiil Group Oo Kulan La Qaatay Raysalwasaaraha Dalka Ingiriiska Boris Johnson.

London(GNN):-Maamulaha Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid, oo la kulmay Raysal Wasaaraha Ingiriiska, kana wada hadleen Saamaynta ay Soomaalida Uk Iyo Afrikaba Ku Yeelanayso Ka Bixitaanka Ingiriiska Ee Midowga Yurub.

Dahabshiil Group Oo ah Xawaalad Labaatankii Sanno ee u danbeeyey Si Waafiya ugu Adeegaysay Bulshooyinka kala Duwan ee Dunida ayaa si Xawliya ugu hanaqaaday dhamaanba Qaaradaha dunida, oo ay ku leedahay xarumo waaweyn si ay u suurto gasho helitaanka adeega xawilaada lacagaha oo ay caan ku tahay.Image may contain: 2 people, people standing and suit

Maaha markii ugu horeysay ee kulamo noocan oo kale uu la qaato Maamulaha shirkadaha dahabshiil group Mudane C,rashiid isagoo marar kala duwn kulamo noocan oo kale ah la qaatay Raysalwasarahii hore dalka ingiriiska Mr David camaroon.