Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Booqday Safaaradda Somaliland Ku Leedahay Dalka Jabuuti.

Jabuuti(GNN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Weftigii uu hoggaaminayey oo maalintii shanaad ku sugan dalka Jabuuti oo halkaasi u joogay hawlo shaqo ayaa maanta booqday safaaradda Somaliland ay ku leedahay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.
Waxaana madaxweynaha warbixin halkaa ku siiyey safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan dalka Jabuuti Amb. Cabdifataax Siciid Axmed oo ay wehelinayaan safiir ku xigeenka, Amb. Cabdilaahi Xaaji Suldaan iyo hawl-wadeenada safaaradda, isagoo ku dheeraaday mudadii uu safiirku joogay wixii u qabsoomay.
Geesta kale maareeyaha dekedaha Jabuuti ayaa sharaxaad ka siiyey Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa aaga cashuuraha ka caagan ee Free Żonę-ka
Dhinaca kale madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubnaha weftiga la socday waxa hadhimo sharafeed u sameeyey maareeyaha dekedaha Jabuuti Mudane Abuubakor Cumar Xadi oo ay wehelinayaan xubno ka mida golaha wasiirrada Jabuuti iyo masuuliyiin kalImage may contain: 1 person, screenImage may contain: 1 person, standing, house and outdoorImage may contain: 1 person, standinge.
Image may contain: 1 person, indoor
Image may contain: sky, house, tree, plant, outdoor and natureImage may contain: house and outdoorImage may contain: sky, house, plant, outdoor and nature
Allaa Mahad leh

error: Content is protected !!