Madaxweynaha Kenya: “Hana soo faragelinina, ma ogolaaneyno in aad wax inoo yeerisaan”

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa digniin u diray dalalka shisheeye isla markaana ka codsaday in aanay soo faragelin arrimaha gudaha ee Kenya, sida ay ku warrantay warbaahinta The Citizen.

Wuxuu sheegay in Kenya aysan ogolaan doonin in wax loo yeeriyo balse ay soo dhawanayaan wadashaqeynta dalalka caalamka.

“Waxaan idiin ka codsanayaa in aad joojisaan isku dayada ku aadan in aad hagtaan, waxaa inoo cad halka aan dooneyno in aan aadno, waxaan idiin ka codsaneynaa in aad nagu soo biirtaan si aad inooga taageertaan si aan wax u qabsanno balse hana soo faragelinina, ma ogolaaneyno in aad wax inoo yeerisaan oo aad ina hagtaan” ayuu yiri madaxweyne Kenyatta.