Madaxweyne Biixi Oo si Wayn Loogu soo Dhaweeyay Jabuuti.(Sawirro)

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi balaaran uu hogaaminayo ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Jabuuti.

Madaxweynaha iyo weftigiisa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey wasiirka Wasaaradda Biyaha, Beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee Jabuuti iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowlada Jabuuti .

Muuse Biixi ayaa inta magaalada Jabuuti joogo la filayaa in kulamo gaar ah la qaato Madaxda dalkaasi ayna kawada hadlaan xiriirka labada dhinac ka dhaxeeya iyo sidii loo sii xoojin lahaa iyo arimo kale .

Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa socdaalo ku tagay qaar kamid ah Wadamada dariska la ah Soomaaliya , waxa uuna dhawaan safar shaki badan abuuray ku tagay dalka Kenya halkaas uu kulan kula qaatay Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.