Maraykanka Oo Laga Dalbaday Inuu Magdhaw Siiyo Shacabkii Uu ku Xasuuqay Somaliya

Hay’adda caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha Amnesty International ayaa Mareykanka ka dalbatay inuu magdhow ka bixiyo dadkii ku waxyeeloobay duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xili Waaxda Difaaca Mareykanka ay ku dhawaaqday in Ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya laga saarayo horaanta sanadka 2021.

Heyadda ayaa muujisay sida weeraradan ay isdaba joog ugu noqdeen dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah oo ay ka mid yihiin weerarro u muuqda kuwa ku xadgudbay sharciga caalamiga ah.

Amnesty International waxay sheegtay iney baaritaan ku sameysay sagaal duqeyn oo Mareykanku ka fuliyay gobollada Shabeellada Hoose, Galguduud iyo Jubbada Dhexe tan iyo sanadkii 2017-kii waxayna ogaatay in 21 qof oo rayid ah la dilay 11 kalena la dhaawacay.

“Haddii ay ciidamada dhulka ee Mareykanku ka baxayaan iyo haddii kaleba, AFRICOM waa inay si dhakhso leh u hirgelisaa istiraatiijiyad lagu hubinayo inaysan ka tagin wixii horumar ah ee laga gaaro la xisaabtanka ficillada militariga Mareykanka oo ay ku jiraan warbixintooda ku saabsan dhibaatada soo gaartay rayidka” ayey Amnesty qoraalkeeda ku sheegtay.

Sidoo kale Amnesty International ayaa sheegtay in ay muiim tahay in AFRICOM hubisaa caddaaladda iyo magdhawga dhibbanayaasha rayidka ah ee ku xadgudubka sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada iyo qoysaskooda, si loo badbaadiyo shacabka.

Tan iyo markii Madaxweyne Trump uu xukunka qabtay 2017, AFRICOM waxay kordhisay dagaalka cirka ee ay ka waddo Soomaaliya, iyada oo wadar ahaan qaadday 196 duqeyn cirka ah oo loo adeegsaday dayuuradaha aan duuliyaha laheyn.