Mareykanka oo beegsaday saraakiil kale oo Shiinees ah

Dowladda Mareykanka ayaa Isniintii xayiraado cusub kusoo rogtay saraakiil Shiinees ah, sababo la xiriira caburinta Hong Kong.

Maamulka madaxweyne Trump ayaa ayaa maalmaha ugu harsan xukunka u adgeesanayey inuu cadaadiska ku kordhiyo Shiinaha, taasi oo u muuqata siyaasad ay si naadir ah uga mideysan yahay madaxweynaha la doortay Joe Biden, oo isna muujiyey inuu sii joogteyn doono inuu si adag ula macaamilo Beijing.

Tallaabadii ugu dambeysay ayaa maamulka Trump waxa uu ku sheeegay inuu hakinayo hantida Mareykanka ka taalla, islamarkaana ka mamnuucayo inay Mareykanka soo galaan 14 ka mid ah guddoomiye ku xigeenada Guddiga Joogtada ah ee Golaha Dadweynaha Qaranka Shiinaha, kaasi oo meel-mariyey sharciyo amni oo adag oo lagu beegsanayo Hong Kong.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in Mareykanka uu Beijing kula xisaabtamayo “weerarka aan kala joogsiga laheyn ee ay ka dhanka ah hanaanka dimoqraadiyadda Hong Kong.”

Maamulka Trump, ayaa si kastaba, ka fogaaday inuu ciqaabo guddoomiyahaGuddiga Joogtada ah ee Golaha Dadweynaha Qaranka Li Zhanshu, oo mararka qaar lagu qeexo gacanta midig ee madaxweyne Xi Jinping.

Mareykanka ayaa horey cunaqabteyn u saaray hoggaamiyaha Hong Kong ee ay taageerto Beijing Carrie Lam.

AFP