Masar oo baareyso gabar sawir iska qaaday iyadoo xiran labiskii faraaciinta

Xoghayaha guud ee golaha sare ee Masar u qaabilsan arrimaha aathaarta, Dr Mustafa Waziiri ayaa ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo haweeney sawirro isaga qaaday ahraamta Masar iyadoo xiran dharkii ay xiran jireen faraaciinta.

Waxaana tallaabadaas lagu tilmaamay mid aan habooneyn.

Dr Mustafa wuxuu carabka ku adkeeyay in wasaaradda dalxiiska iyo arrimaha aathaarta ay mar kasta isha ku heyso ilaalinta goobaha qaddiimiga ah iyo taariikhda xadaaradda Masar.

Wuxuu intaas ku daray in qof kasta oo isku dayo in uu ku xadgudbo aathaarta iyo xadaaradda Masar tallaabo laga qaadi doono.

Dadka isticmaala baraha bulshada Masar ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay sawirka Salma El Shimi, waxaana ka dhashay dood ku saabsan sawirka ay soo dhigtay baraha bulshada xilli ay ku sugneyd ahraamta Masar.

Dad qaar waxay soo jeedinayeen in la xiro maadama ay ku xadgudubtay dhaqanka Masar halka qaar kalena ay ku doodayeen in wax dambi aysan gelin gabadha.