Ninka loo haysto kufsiga iyo inuu dabaq ka tuuray Xamdi oo maanta maxkamad la hor keenayo

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay billaabato maxkamadeynta ninka dhallinyarada ah ee loo haysto kiiska kufsiga Xamdi Maxamed Faarax.

Dhacdada gabadhaas oo dabaqa lixaad laga tuuray ka dib markii la kufsaday waxaa ka dhashay isu soo bax iyo xanaaq dadweyne oo ku baahay Soomaaliya.

Qoyskeeda ayaa hadda ku sugan maxkamadda waxayna sugayaan dhageysiga dacwadda ku saabsan dilka iyo kufsiga loo geystay gabadhooda.

Ninka lagu eedeeyay kufsiga waxaa laga soo qabtay magaalada Cadaado, “xilli uu ahaa baxsad” ka dib ayaa loo wareejiyay dhanka magaalada Muqdisho. Wuxuu maanta ka soo hormuuqanayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Xamda, ayaa magaalada Muqdisho u joogtay waxbarasho iyada oo la noolayd qaraabadeeda halka hooyadeed ay ku nooshahay Galgaduud.