Sacuudiga ma wuxuu Canada u diray rag la mid ah kuwii dilay Khashoqji?

Dhaxal sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman, ayaa beeniyay eedaymaha ah inuu ku luglahaa qorshe lagu dili rabay sarkaal hore oo ka tirsanaa sirdoonka Sacuudiga kaas oo dalka horay looga cayriyay.

Xog lala wadaagay maxkamad ku taala Maraykanka, Saad al-Jabri ayaa sheegay in isku dayga dilka uu ka dhacay Canada, halkaas oo uu ka tagay muddo saddex sano ka hor.

Waxa uu sheegay in Mohammed bin Salman uu rabay in uu dilo maxaa yeelay waxa uu ogaa arrimo badan. Dhaxal sugaha ayaa sheegay in Mr Jabri uu isku dayaayo inuu dambiyadiisa gaarka uu ku daboolo eedaymahaan.

Hase yeeshe, Mr Jabri ayaa sheegay inuu dhaxal sugaha dacweynaya, balse qareenada amiirka ayaa sheegay in dacwada Mr Jabri ay tahay “riwaayad”.

Mr Jabri, oo ah 61 sano jir ayaa sanadao badan ahaa xubin sare oo ka tirsan sirdoonka iyo basaasiinta galbeedka u joogay Sacuudiga.

Maalmo adag ayay u tahay hoggaanka Sacuudiga gaar ahaanna dhaxalsugaha awoodda leh ee Maxamed bin Salmaan, oo loo yaqaanno MBS.

Gudaha dalkiisa caan ayuu ka yahay, balse caalamka waxaa la ogyahay inuu awoodi waayay inuu meesha ka saaro shakiga doorkii la sheegay inuu ku lahaa dilkii sanadkii 2018 loo geystay weriye Jamal Khashoggi.

Haatanna maamulka Mareykanka ayaa qabanqaabinaya inuu u guuro Aqalka Cad, Madaxweynaha la doortay Joe Biden ayaana caddeeyay inuu mowqif ka adag kan Madaxweyne Trump ka qaadan doono arrimo la xiriira Sacuudiga.

Exit mobile version