Turkey: Dab Ka Kacay Cusbitaal Ay Jeefeen Bukaanka COVID19 Oo 9 Qof Ku Dhimatay.

Turkey: Dab Ka Kacay Cusbitaal Ay Jeefeen Bukaanka COVID19 Oo 9 Qof Ku Dhimatay.

Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay kadib markii uu dab ka kacay cusbitaal ku yaala dalka Turkiga.

Dabkan ayaa waxa sababay ama uu ka dhashay Haamaba Neefta ama mishiinka oxygenka, cusbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaala koonfúrta galbeed ee dalka Turkeyga, sida uu sheegay wasiirka caafaadku.

Shilkan ayaa ka dhacay qaybta gargaarka degdega ah ee bukaanka xanuunka COVID-19 lagu daryeelo ee the Sanko University Hospital halkaas oo dabku uu sababay mishiin weyn oo neefta loo isticmmaalo oo lagu dabiibo bukaanka COVID-19, sida lagu sheegay war-saxaafádeed ka soo baxay cusbitaalkaasi.

Dabkan ayaa sidoo kale saamayn ku yeeshay dad ka badan 50 qof´oo isugu jira dhakhaatiir, shaqaale caafímaad, ilaalada amaanka ee cusbitaalka, kuwaas oo isku dayayey inay bukaanka ka wareejiyaan qaybta gubatay.