URURKA SOSDO OO WACYIGALIN KU SAABSAN XANUUNKA COVED-19 KA SAMEEYAY DEEGAANO KA TIRSAN GOBOLKA GABILEY

Gabiley (GNN) Ururka samafalka ah ee Somaliland Social Development Organization (SOSDO) Ayaa wacyi galin balaadhan oo ku saabsan sida la iskaga ilaliyo xanuunka safmarka ah ee COVED-19 ka sameeyay Deegaano Tiro Badan .

Deeganadani ururka Samafalka ah ee Sosdo ka Sameeyay Wacyigalinta Ku Saabsan xanuunka COVED-19 Ayaa Waxa Ka Mid Ahaa ARABSIYO, CAABUDLA IYO LAALAYS .
Madaama lagalay ama Lagu Jiro xili qaboobe Ah oo uu halista xanuunku uu kor u kici karo Hadaan Laga Foojignaan.

waxa ay hawl wadeeno ka socday ururka SOSDO ay dadka degaamadaas ku baraarujinayeen talaabooyinka lagaga hortagi karo xanuunkan koroona fayrus, iyo sida ilaalinta nadaafada, falaxalka, afxidhashada, ilaalilnta kala fogaanshaha iyo in la iska ilaaliyo meelaha dadku iskugu yimaadaan ee samxada badani ka jirto Amaba Lagu Badanyahay.

Wacyigalintaas waxa lagaga qayb qaatay baabuur ay sameecaduhu ku rakiban yihiin iyo fariimo caafimaad(Messages) ay ku qoranyihiin talaabooyinka ka hortaga xanuunka COVED-19

.

Maaha Markii ugu Horaysay ee Ururkani samafalka aha ee Sosdo Wacyi Galin Noocani oo Kale Ah Sameeyo, Balse Waxa uu Waxyigalino hore Ka fuliayay deeganadaas Kuwaasi oo ay iska kaashadeen ururka SOSDO, haayada Humanity & Inclusion (HI) iyo dawlada Jarmalka (German Humanitarian assistance)

isku soo Wada Duuboo Wacyi galintani Ayaa maalintii labaad si hasamiya uga socotaa dhamaan degaamadaasi ay ka bilaabantay, dadka deegaankuna aad bay usoo dhaweeyeen wacyi galintaas

www.Gabiley.net
Gabiley Office

Exit mobile version