Xisbiga WADDANI Oo Ku Baaqay In Dib Loogu Noqdo Naqshadda Cusub Ee Taallada Diyaaradda Ee Hargeysa.

Hargeisa(GNN):-Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde ayaa sheegay in Naqshadda cusub ee Madaxtooyada Somaliland u beddelayso Diyaaradda Taallada ah ee saaran badhtamaha Hargeysa aanay ka tarjumayn waxay u taagan tahay ama diyaaradda hore loo saaray halkaasi.

Madaxtooyada Somaliland oo qorshaynaysa inay Casriyeyso diyaaradda Taallada ah ee saaran badhtamaha Hargeysa, ayaa dejisay diyaaraddii halkaa saarnayd isla-markaana sheegtay inay u beddelayso Naqshad cusub, taasi oo laga soo guuriyey Dalalka Reer  Galbeedka.

Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo shalay u warramay Telefiishanka HCTV ayaa si cilmi ah u sharraxay in Qaabka cusub ee Madaxtooyadu u naqshadaynayso diyaaradda Taallada ahi aanay ka tarjumayn dhibaatadii diyaaraddaasi u geysatay Shacabka Somaliland sanadkii 1988-kii, sidaasi darteed loo baahan yahay in arrintaa dib loogu noqdo isla-markaana la doono cid aqoon u leh.

Xildhibaanka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxani waa Wax aan Aqoon u leeyahay, Ninkii soo maraybaa maraye, Ruushka oo dagaalkii labaad ee Adduunka galay aad bay u xusaan oo Taallooyin badan baa loo dhisaa guushaa, illaa Romankiina marka Ciidan soo guulaysto Taallooyin baa loo samayn jiray, waayo? meelihii Romanku gumaystay oo dhan bay ku taallaa, Rooma ayay ka buuxdaa (Taallooyin u eg Naqshadda cusub ee diyaaradda Hargeysa), markaa waxa loo dabbaal-degayaa guulo la gaadhay oo loo sameeyaa.”

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde wuxuu sheegay “Ta Maanta laga hor dhisayo khayriyada (Hargeysa) haddaad eegto Qaabkaa (ay u taallo) oo aad eegto Dalalkii soo sameeyay waxaad mooddaa mid guul loogu dabbaal-degayo, Taallooyinkaasi guul baa ka muuqata, dhaqankeenana maaha, mana dhisano innagu, Caalamka Islaamkana lagama dhiso, waa dhaqan ka yimid Romanka iyo Giriigga, taas ayuun baad mooddaa inta meel lagu arkay in la soo guuriyey, markaa imika diyaaraddan Qofku wuxuu moodayaa diyaarad inna xorraysay oo xaq innagu leh, diyaarad wax inna yeeshay kama muuqato, waxana waa Cilmi iyo Aqoon gaar ah, Qof yar oo Xafiis iska fadhiyaa inta loo dhiibo oo uu ‘Google’ galo oo uu ka soo guuriyo, waa inuu Fahmaa Farriinta uu gudbinayo wuxuu soo guuriyey. Markaa Taalladan ay dhiseen ma muujinayso Xanuunkii la inoo geystay, ka Tarjumimayso diyaaraddii inta ay Hargeysa ka soo kacday Maatida xasuuqday, laakiin waxaad mooddaa diyaarad intay dagaalkii ka qayb-gashay iyadu guulo inoo keentay oo loo dabbaal-dego.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Farriintaan u dirayaa waxa weeyaan, Waar waxan dib ha loogu noqdo oo Dad yaqaana waxan halla doono, waalla helayaa Soomaali iyo Ajaanib..”