Dibadbaxyo xooggan oo ka socda Ruushka

Tiro dad ah ayaa la xiray kaddib markii dibadbaxyo xooggan ay ka bilowdeen guud ahaan dalka Ruushka.

Dibadbaxyada ayaa lagu taageerayaa Alexei Navalny oo ah siyaasi mucaarad ah kaas oo ku xiran dalkaas.

Booliska Ruushka ayaa kala eryay dad dibadbaxyo ka dhigayay gobolka bariga ku yaalla ee Khabarovsk xilli dadka digniin lagu siiyay in guryahooda ay joogaan.

Qaar kamid ah kalkliyeyaasha Alexei Navalny ayaa la xiray oo ay kamid tahay haweeney afhayeen u aheyd iyo sidoo kale mid ah qareenadiisa.

Alexei Navalny waa nin si weyn u dhaliila siyaasadda madaxweyne Putin.

Taageerayaasha siyaasigan ayaa ku baaqay in dibadbaxyo ballaaran laga dhigo guud ahaan Ruushka.

Waxaa la xiray Axaddii kaddib markii uu kasoo duulay magaalada Berlin halkaas oo lagu daweynayay kaddib markii uu sheegay in lagu sumeeyay gudaha Ruushka bishii Agosto ee sanadkii lasoo dhaafay.