Emmanuel Macron Oo Ka Hadlay Askar Looga Dilay Dalka Mali

Labo Askari oo u dhashay dalka Faransiiska aya lagu dilay gudaha wadanka Mali, dilkaan aya ka dhacay waqooyi barri ee caasimada Bamako, kadib markii gaari ay lasocdeen uu la kulmay qarax la dhigay waddada.

Tiradda dhimashada ayaa gaareysa ilaa 50 Askari ayaa lagu dilay waddankan dhaca galbeedka qaarada Afrika taniyo 2013-kii markii Ciidanka Faransiiska ay soo faragaliyen dhaq-dhaqaaqyada milatari ee looga soo horjeedo xoogagga dowladda kasoo horjeedo sida laga soo wariyay shaqaalaha ciidanka.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ka tacsiyadeeyay dhimasha Askartiisa, waxaa uu hoosta ka xariiqay in ay aad uga xun yihiin dilalka lagu haayo Askarta howlgalka ka haayo Maali.

Ciidanka Faransiiska waxay tiradoodu gaaraysaa 5,100 askari oo ku baahsan gobolka Sahel, waxayna la dagaallamayaan kooxaha jihaad doonka ah oo ay weheliyaan askarta ka socota wadamada Mauritania, Chad, Mali, Burkina Faso iyo Niger.