Falanqeynta nuxurka khudbaddii caleemasaarka ee Joe Biden

Madaxaweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa khudbadiisii caleema saarka shalay ay ka duwaneyd khudbadihii ay Madaxweynayaasha Mareykanku xilligan oo kale ay jeedin jireen. Waxa ay dhacday iyadoo Madaxweynihii isaga xilka ku wareejiyay aanu meesha joogin.

Iyadoo Xanuunka Covid-19 iyo cabsi laga qabo amaanka dartii aaney sidii hore u dhici jirtay aysan dad badan uga qeyb qaadan munaasabadda ayaa waxaa isla markii uu tagay Aqalka Cad shalay uu bilaabay inuu saxiixo wareegtooyin uu ku burinayo amarro madaxweyne oo uu Trump horey u soo saaray oo ay ku jirto mid dadka ka soo jeeda dalal dhowr ah oo Muslimiin ah oo ay Somaliya ku jirto ka mamnuucayay inay Mareykanka soo galaan.

Hadaba nuxurkii khudbadda Madaxweyne Biden ay taabaneysay iyo waxa horyaala 100ka maalmood ee ugu horeeya xafiiska ayuu Maxamed Colaad Xassan uu wax ka weydiiyay Feysal Derri oo ka mid ah taageerayaasha xisbiga Jamhuuriga oo ku suggan Minnesotta iyo Cabdiqafaar Cabdi Wardheere oo ka faalooda arrimaha siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah.