Goobta burburka diyaaraddii Indonesiya oo la helay

Masuuliyiinta dalka Indonesia ayaa sheegay in diyaaradii rakabaka ee nooceedu ahaa Boeing 737 ee la la’aa ay ku burburtay badda. Waxay burburtay waxyar ka dib markii Sabtidii ka duushay caasimadda Jakarta.

Diyaarddan rakaabka oo ay lahayd shirkadda Sriwijaya Air ayaa waday 62 rakaab ah markii la waayay daqiiqada ka dib markii ay billowday safar au ku tagi lahayd gobolka galbeedka dalkaasi ku yaalla ee Kalimantan.

In ka badan 10 markab ayaa la geeyay goobta si ay u baadigoobaan haraaga diyaradda iyo sanduuqa madow.

Rakaabka saarnaa diyaaradda waxaa ku jiray 7 carruur ah, 3 dhallaan ah iyo 12 shaqaalaha diyaaradda ah. Dhammaan rakaabka saarnaa diyaaradda ayaa ah muwaadiniin u dhashay Indonesiya.

Qaraabada rakaabkii saarnaa diyaaradda ayaa ku soo xoomay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee ku yaalla caasimadda Jakarta.

Exit mobile version