Guddi Ku Taliyey In Trump Dib Loogu Furo Koontadii Facbooka Uu Ku Lahaa

Shirkaddani ayaa sanadkii la soo dhaafay dhistay guddigani oo lagu magacaabo guddiga kormeerka, kaa oo ay sheegtay inuu yahay mid ka madax-bannaan shirkadda, waxaana shaqadiisu ay tahay in uu go’aan ka gaaro waxyaabaha muranka dhaliyay ee la xiriira isticmaalka bogagga Facebook.

Trump oo akoonkiisa Facebook la xayiray 7-dii bishan Janaayo ayaa fursad loo siin doonaa inuu guddigaasi oo shan xubnood ka kooban u gudbiyo bayaan ku saasban in uusan si xun u isticmaalin boggiisa Facebook.

Go’aanka guddigani ayaa noqonaya mid ay khasab tahay in la fuliyo, waxaana uu sidoo kale saameyn ku yeelanayaa barta Trump uu ku leeyahay Instagram-ka. Shirkadda Twitter ayaa horey Trump uga mamnuucday in uu isticmaalo barteeda xiriirka bulshada.

Kaddib markii taageerayaasha Trump ay xoog ku qabsadeen dhismaha aqalka Koongareeska Mareykanka ayaa milkiilaha shirkadda Facebook, Mark Zuckerberg, waxa uu sheegay: “Waxaan rumeysannahay in ay aad u weyn tahay halista ka dhalan karayso in madaxweynaha aan u ogolaanno in uu sii isticmaalo adeeggayaga xilligan lagu jiro.”

Shalay oo Khamiis ahayd ayaa shirkadda Facebook waxa ay tiri: “Guddiga Kormeerka ayaa si dhow ula socday dhacdooyinkii ka dhacayay dalka Mareykanka iyo sida ay shirkadda Facebook uga falcelisay dhacdooyinkaasi.

“Go’aanka guddigani ayaa noqonaya mid ay khasab tahay in shirkadda Facebook ay a fuliso, waxaana guddigani uu go’aan ka gaari doonaa in uu laalo iyo in kale go’aankii Trump looga mamnuucay isticmaalka Facebook iyo Instagram.”

Trump ayaa fursad loo siinayaa in uu guddigaasi shanta xubnood ka kooban uu ku qanciyo in xayiraaddaasi saaran ay tahay in laga qaado.
Xubnaha guddigan waxaa ka mid ah ra’iisalwasaarihii hore ee dalka Denmark, Helle Thorning-Schmidt iyo tifaaftirihii hore ee wargeyska the Guardian, Alan Rusbridg

Balse dadka dhaliila guddigani ayaa sheegaya in uusan lahayn awood uu arrimahaasi ku dhaqan geliyo.