Hays-dafirin Damiimow Doqoniimo Waa Cudur – – WQ: IBRAHIM ADAM ELMI GALAAN (QUMAASH)

Mahad o dhan alaa iska leh subxanahu wa tacala inaga dhigay islaam inana siiyey caqliga aynu makhluuqa kale dheerahay la inana weydiin doono “ wa-lanas-alukum-yow-maydin cani-naciim”

Adamuhu wuxu ku qurux badan yahay ilaalinta karaamada naftiisa iyo ta umada kale dareenkoodaiyo rabitaankooda mid u dhaw iyo mid ka dheerba

“Dulucda qoraalkaga”

Waxa yaaba o yaabka yaabkiis ah in ninman reer somaliland ahi wakhtigan CAMIIL u noqdaan farmaajo o morgan ag-fadhiyo la taliyana u yahay. Waxan isleeyahay karaamo xumo iyo sharaf Xumo ka weyni ma jirtaan isleeyahay rag dadkoodi loo isticmalayo sharaftaadu waxay taalaa o keliya halka ina hebelow laga leeyahay kuwaa waxanu leenahay waad la weydeene naftiina hadafirina. Goor ay noqotaba nabsiga aad wadanka iyo umada ka gelaysaan waad helaysaan kaidiin isticmalaya dadkiinana wuu ogyahay inaan raganimo idinka soo jeedin

Maanso aan lahaa waxa ku jirey:
“Axmedow in dhaweydba
U asoolk shisheeye
Niman aad u yaqaaniyo
axal aan naf lahaynba
Sida eyda ciyaayo
u adeega farmaajo
Gun-nimo inaad qaa’ibtaa waa ayaan daro iyo raganimi xumada halka ugu danbeysa, shacabka reer somaliland waxay gaws-danbeedka ku haystaan alle ha-caafiye odhaahdi hadraawi ee ahayd “Nin ku yidhi sinaanmayno adna buri sareyntisa sida waad wadaagtaane ma-sagaashanba tiisu”.

Raga isdafirsanow iska daa farmaaje ragii adeerki geed qudhaanjo leh ku xidhayba nool o somaaliland meel walba jooga waa raguu alle naxariste gaariye lahaa:

Anigaa daruuraha u korey roobka ii da’aye
Nina iima diirnixin markaan daalana shalaye
Israa’iilna awaa loo dalbaday dabar-go’aygiiye
Wixiiyo Diyaarado onkoda lana dul
Gawdiidshay
Rabi doobirti iyo ragaba lagaga doogaaye
Ma-ogola dadweynuhu wixii goostay daahyada’e dulucii islaamaha la eed ina dawaarow

DAR-DAARAN:
Nimankaa waxan leeyahay “ adigoo nabsigu waa tukee timir xamaalaya oo mooge iga tiiri yidhi taana la arkeeye” waa ninkii saaxiibkii ka cabanayey umad dhan meel kaga dhacoodana maxaad u malayn

Dar-daaran dawlada ah:
Dawladeey hadaanu shacabka reer somaalilaan ee xariirta ah nahay siday ku dhacaysaa rag ama dumar kuu doono ha-ahaade intuu xoolaha umada cuno deed xamar u carara intuu jiritaanka umadan dafiro markuu dan yeesho cafis dalbanaya
Nin meel hurada ayey subxaayo shaarubaha ka martay markay wada dhaaftaybu dabada qabtay nin arkayeyba ku yidhi o ku dhaafte maxaada dabada u qabatay wuxu yidhi waan arkaaye waxan ka baqay inay meeshasu wado halaq noqoto.

“Arinkaa war haloogu noqdo qaran ahaan”

“Somalilandeey laguumo baqo”

Ibrahim Adam Emi-galaan Qumaash”