Iran Oo War Adag kasoo Saartay Qaraxyadii ka Dhacay Baqdaad.

Safaaradda Iiraan ee Baqdaad ayaa si kulul u cambaareysay laba qarax oo mataano ahaa oo lala beegsaday caasimadda Ciraaq oo ay ku dhinteen ugu yaraan 32 qof Shacab ah.

Waa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee lagu bartilmaameedsado magaalada saddex sano gudahood.

Maalintii Khamiista, howlgalka diblomaasiyadeed wuxuu soo saaray bayaan, wuxuu ugu yeeray weerarada “arxandarro argagixiso” Safaaradda ayaa rajo ka muujisay in saraakiisha amniga ee Ciraaq ay ku guuleysan doonaan in cadaaladda la marsiiyo kuwa dambiilayaasha falkaasi geystay.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka ee Ciraaq, illaa 110 ayaa sidoo kale ku dhaawacmay qaraxyadii lala beegsaday fagaaraha Tayaran ee caasimadda subaxnimadii hore.

Weerarka koowaad ayaa qofka soo jiitay dad fara badan oo ku sugnaa suuqa mashquulka badan isagoo sheeganaya inuu xanuun dareemayo, ka dibna wuxuu qarxiyay suunkiisa waxyaabaha qarxa, Wasaaradda arrimaha gudaha ee Ciraaq ayaa laga soo xigtay AFP.

Markii ay dad badani u soo xoomeen goobta si ay u caawiyaan dhibbanayaasha, ayaa qof labaad oo is qarxiyay u diyaariyay waxyaabaha qarxa.

Suuqa hawada furan, oo lagu iibiyo dharka gacanta labaad ee meheradaha lagu iibiyo, ayaa dadka la ciir ciiray markii laga qaaday ku dhowaad sannad xayiraadihii COVID-19 ee waddanka oo dhan.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in dadkii naftooda ku waayey ay ku dhinteen isla goobta uu weerarka ka dhacay, iyadoo inta badan dadkii dhaawacmay la daweeyey isla markaana laga soo saaray isbitaalka.