WARARKA




Itoobiya Oo Masar ku Eedeysay Inay Xasilooni Darro ka Abuureyso Somaliya.

Sarkaal xil sare ka haya Wasaarada Arrimaha dibada Itoobiya, isla markaana codsaday in aan magaciisa la shaacin ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Anadolu in โ€œMasar ay xoojisay dadaalada xasilooni darada ah ee ka dhanka ah itoobiya iyo gobolka Geeska Afrika ee kacsan oo ay Soomaaliya kamid tahay.

โ€œuqdisho ay ku gacan-seyray dalab ku aadanaa in taageero dhanka milatariga ay siiso dowlada federaalka.

โ€œSanadkii lasoo dhaafay, Masar waxay isku dayday in ay saaxiib la noqoto dowladda federaalka Soomaaliya iyadda oo u balanqaadey taageero dhanka milatariga ah, balse Masโ€™uuliyiinta Soomaaliya waxay garteen ujeedada halista ah ee ka dambeysay wayna diideen taageerada ciidan ayaa lagu yiriโ€ Warbixinta.

Sidoo kale diblumaasiga xilka sare ka haya Wasaarada Arrimaha dibada Itoobiya waxaa uu sheegay in dowladda Masar ay u wareegatay dhinaca Soomaliland oo an weli aqoonsi helin, isla markaan Bishii Janaayo ay weeydiisteen Soomaaliland inay saldhig Millateri ka sameystaan.

Dowladda Masar ayaan weli dhankeeda ka jawaabin eedeyntaan uga timid Dowladda Itoobiya, iyada oo dhowr jeer sidaan oo kale Itoobiya ugu eedeysay Masar nay faragelin ku heyso Arrimaha Soomaaliya.