Kenya Oo Somaliya Ugu Baaqday Wadahadal.

Oguna oo maanta la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in Kenya aysan aqbali doonin in lagu dhalleecayo siyaasadda gudaha Soomaaliya.

“Iska horimaadyada soo noqnoqday ee u dhexeeya ciidamada Soomaaliya, kaliya ma ahan inay cabsi iyo argagax ku abuuraan dadkeenna Mandheera laakiin sidoo kale waxay horseedeysaa in dadka rayidka ah ay ka barakacaan gobolka Gedo, ”ayuu yiri Oguna.

Afhayeenka Kenya wuxuu sidoo kale beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay Kenya ee ah in ciidamadooda ka jooga Soomaaliya ay ku lug leeyihiin dhoofinta sonkorta sharci darrada ah iyo ka ganacsiga dhuxusha.

Wuxuu ku booriyay dhamaan hogaamiyaasha Soomaaliya inay abuuraan jawi sahlaya in khilaafka lagu xaliyo wadahadal.

Isniintii, guddi xaqiiqo raadin ah oo ay aasaaseen Urur Goboleedka IGAD ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay eedeymaha Kenya uga yimid Soomaaliya ee ah in Kenya ay ku xadgudubtay madaxbannaanideeda.