Koox Hubeysan Oo Caawa Nabadoon ku Dilay Gobolka Hiiraan

Wararka laga helayo degaanka Dhisiqa oo kamid ah degaannada hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in maleeshiyaad hubeysan ay halkaasi ku dileen Nabadoon Caanka ah degaankaas.

Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Nabadoon Geelle Faarax Oreey, iyada oo maleeshiyaadkii ka dambeeyay dalkaasi ay goobta ka baxsadeen.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegayaan in dilkaas uu la xiriir aanooyin qabiil oo maalmihii la soo dhaafay ka taagan degaano hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Dilka Maanta Maanta dhacay degaanka hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli saaka wade gaari lagu dilay xaduudka uu Gobolka Hiiraan la wadaago Itoobiya.

Exit mobile version