Maxay Sacuudi Carabiya ka fileysaa madaxweyne Biden?

Wasiiirka Arrimaha dibedda Sacuudiga ayaa sheegay in boqortooyada ay niyad wanaagsan ka qabto inay “xiriir aad u wanaagsan” la yeelan doonto maamulka madaxweyhe Joe Biden, ayna sii wadi doonto inay Washington kala hadasho heshiiska barnaamijka Nukliyeerka ee Iran.

“Si wanaagsan ayaan wax u eegayaa. Sacuudi Carabiya waxay dhistay xiriir adag oo taariikhi ah oo ay kula shaqeysay maamullo kala duwan. Waana lasii wadi doonnaa middaas maamulka madaxweyne Biden,” ayuu yiri Amiir Faisal bin Farhan Al Saud oo wareysi siiyey taleefishinka Arabiya TV.

Biden ayaa intii uu ku guda jiray ololaha doorashada waxa uu ballan-qaaday inuu dib u eegi doono xiriiirka Sacuudiga, oo ah dal uu sanadii 2019-kii ku qeexay “gooni u socod”.

Biden waxa uu sheegay inuu mowqif adag ka qaadan doono diiwaanka xuquuqda aadanaha ee Sacuudiga, iyo dagaalka burburka badan sababay ee dalka Yemen.

Amiiir Faisal waxa uu sheegay in Riyadh ay sii wadi doonto inay Washington kala tashato heshiiska Nukliyeerka Iran. Mareykanka ayaa heshiiskaas oo la saxiixay 2015 ka baxay 2018.

“Waxaan aaminsannahay in wada-tashiyada ay ku qotomi doonaan in la gaaro heshiis xooggan oo adag, kaasi oo ay qeyb ka tahay guul-darrada Iran ee ah inay u hoggaansato heshiiska,” ayuu yiri Amiir Faisal.

Biden ayaa horey u sheegay in haddii Tehran ay dib u billowday inay si buuxda ugu hoggaansato heshiiska, ay Washington iyana sidaas oo kale sameyn doonto.

REUTERS