Midowga Afrika Oo War kasoo Saaray Dagaalkii Beled-Xaawo

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitte-ka ayaa waxaa uu ku sheegay inay ka walaacsan yihiin xiisadaas & dagaalkii dhacay, waxaana uu ugu baaqay dowladaha Soomaaliya & Kenya inay xiisada dejiyaan.

“Waxaan si taxaddar leh ula socdaa xiisadaha ka taagan xadka Kenya & Soomaaliya, waxaanan ka codsanayaa labada deris ah inay is xakameeyaan oo ay wadahadal la galaan si waafaqsan hannaanka IGAD . Nabadda xadka Kenya iyo Soomaaliya ayaa muhiim u ah xasiloonida gobolka ayuu yiri” Mousa Faki.

Hadalka Guddoomiyaha Midowga Afrika Mousa Faki ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli shalay degmada Beled-Xaawo oo xadka ku taala ay ku dagaalameen Ciidamada dowladda & kuwa Jubbaland, isla markaana Kenya qoraal ku saabsan dagaalkaas ay u dirtay Midowga afrika.