Munaasibada Shaacinta Musharax Axmed Cabdi Muuse Oo Maanta Si heersare ah Loogu Qabtay Gobolka Gabiley.

Gabiley(GNN):-Munaasibadan balaadhan ee shaacinta musharax axmed cabdi muuse oo u sharaxan xildhibaanada golaha wakiilada ka sharaxan gobolka maroodijeex ayaa lagu qabtay xarunta magaalada gabiley.

Waxaana xaflada Munaasibadan kasoo qayb galay masuuliyiin tiro badan oo ka socoday xisbiga kulmiye oo uu horkacayey gudoomiye Ku xigeenka labaad ee Xisbiga Mudane Axmed Cabdi Dheer.

Madaxda gobolka gabiley, haweenka dhalinyarta aqoonyahan iyo salaadiinta bahda dhaqanka ayaa iyagu ka qayb ahaa xafladan balaadhan ee Musharax Axmed Cabdi muuse lagu soo dhaweynayey Xisbiga Kulmiye oo kamid noqon doono musharaxiinta ka sharaxan.