Puntland iyo Jubaland oo magacaabay guddiyo doorasho

War-murtiyeed ay si wada jir usoo saareen xaley saqdii dhexe maamullada Jubaland iyo Puntland ayey kusoo magacaabeen guddiyadii doorashada ee muddada laga sugayey.

Guddigan doorasho ee labada maamul oo ka kooban min sideed xubnood ayaa ah kuwa heer gobol, waxayna qeyb ka noqon doonaan guddiyadii ay horey usoo magacaabeen maamul goboleedyada kale.