Qarax lala Eegtay Mas’uuliyiin Oo Goor-dhawayd ka Dhacay Muqdisho.

Qarax ayaa la eegtay gaari ay la socdeen mas’uuliyiin hore oo marayay degmada Shibis ee gobolka Banaadir, waxaana ka soo baxaya warar kala duwan oo la xiriira khasaaraha ka dhashay Qaraxa.

Gaariga ayaa waxaa la socday xildhibaan hore Muxuyidiin Xassan Afrax iyo Xusseen Caraale oo labaduba horay xildhibaanno u soo noqday, kuwaa oo la sheegay ku dhaawacmeen qaraxan.

Waxaa sidoo kale ku dhintay sadex askari oo la socday gaariga qaraxa lala eegtay sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Qaraxan ayaa qeyb ka noqonaya qaraxyo dhowr ah oo sidan oo kale uga dhacay magaalada Muqdisho kuwaa oo lagu dilay mas’uuliyiin kala duwan iyo saraakiil ciidan intaba.