Sarkaal sare oo Shabaab ah oo la dilay iyo xarun la burburiyey

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa war-saxaafeed uu soo saaray ku sheegay in iyadoo lala shaqeynayo dowladda federalka ee Soomaaliya ay weerar cirka oo ka dhan ah Al-Sshabaab ka fuliyeen deegaanka Buulo Fulaay ee Soomaaliya, 13-kii Janaayo.

Qiimeyn horudhac ah oo la sameeyay ayaa muujinaysa in weerarka lagu dilay howlwadeen ka tirsan Al-Shabaab laguna burburiyay xarun ay halkaasi ku lahaayeen, sidq lagu sheegay qoraalka.

Warkan kasoo baxay taliska ciidanka Mareykanka ee Africa ayaa sidoo kale lagu sheegay inaysan jirin wax rayid ah oo ku dhintay ama ku dhaawacmay howlgalkasi.

“Weerarka Buula Fulaay iyo weerarradii kale ee dhowaanahanba waxay muujinayaan go’aankeenna aan ku burburinayo awoodda Al-Shabaab ay halista ku galin karaan Soomaaliya iyo dariskeeda,” ayuu yiri Maj. Gen. Dagvin Anderson oo ka tirsan ciidanka cirka ee Mareykanka islamarkaana ah ah taliyaha howgalka qaaska ee taliska AFRICOM.

Waxuu intaasi ku daray in iyaga iyo saaxiibadooda ay qorsheeyeen inaysan Al-Shabaab u reebin meel ammaan ah oo ay ku dhuuntaan.

War-saxaadeedka ayaa lagu sheegay in howlgalka wadajirka ah ee uu taageerayo taliska ciidanka Mareykanka ee Afrika iyo dadaallada caalamiga ah kor loogu qaadiyo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Rabshadaha ururrada xagjiriinta ee sida Al-Shabaab oo kale ayaa muddo dheer halis ku ah Mareyaknka iyo danahahiisa gobolka.

Exit mobile version