Shiinaha oo laga bilaabay qaadashada talaalka Covid 19

Kumanaan qof ayaa safaf ugu jira caasimada Shiinaha ee Bejing si ay u helaan talaalka coronavirus, iyadoo wadanku doonayo inuu talaalo tobanaan milyan oo qof ka hor dabaaldega sanadka cusub ee Shiinaha ee bisha Febraayo.

Dadka oo qaarkood xiran laba maaskaro ayaa la geeyay xarumo talaal oo laga hirgaliyay meelo kala duwan sida goobaha jimicsiga ama warshadaha maran.

Khamiisti la soo dhaafay, ayaa markii ugu horeysay ansixiyay tallaalka oo uu soo saaray dalkaasi.

.