Somaliland: laba boqol oo Qof oo Shilalka Gaadiidka ugu Dhintay Sannadkii tegay.

Hargeisa(GNN):-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Sheegay in Sannadkii  shilaalka gadiidka ku dhintaan laba boqol oo Qof.

“Sannadkii shilalka Gaadiidka waxaa inagaga dhinta qiyaas ahaan 160 ilaa 200 oo qof, waxaanu aaminsan nahay ka xukuumad ahaan in shilalku yihiin dilaa qarsoon.

Celcelis ahaan labadii maalmood ba waxaa inagaga dhinta shilalka hal qof.”

Wasiirka Gaaddiidka Somaliland ayaa sidaasi u sheegay Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland.