Sudan iyo Masar oo heshiis saxiixday xilli ay is-hayaan Ethiopia

Dalalka Sudan iyo Masar ayaa ku heshiiyey xoojinta iskaashi dhex mara, islamarkaasina diiradda saara ka wada shaqeynta nabad galyada labada dal iyo gobolka guud ahaan.

Labada dal ayaa waxay xiisa kala dhaxeysa dalka Ethiopia, ayaga oo kasoo horjeeday biyo-xireeen ay ka sameysay webiga Nile, oo dalalkan ay u arkaan inuu yareynayo biyaha soo gaara.