TPLF oo laga saaray diiwaanka xisbiyada Itoobiya

Guddiga doorashooyinka dalka Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in diiwaanka xisbiyada siyaasadda laga saaray xisbigii ka talin jiray gobolka Tigray ee TPLF kaddiba markii howlgal militeri lagu qaaday gobolka bishii Nofembar.

Guddiga doorashada ayaa ku eedeeyay TPLF inay ka dambeeyeen qalalaase ka dhacay dalkaas.

Sidoo kale, guddiga wuxuu ka codsaday saddex xisbi oo kale oo ka jira Tigray inay sharraxaad ka bixiyaaan doorashadii ay kala qeyb qaateen TPLF bishii September ee sannadkii lasoo dhaafay ka dhacday Tigray taas oo ay dowladda ku tilmaantay sharci darro.