Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mowlud Oglo ayaa arrinkan ka sheegay, isaga oo ku caddeeyay qoraal uu soo dhigay bartiisa Tweeter-ka kadib kulan uu la qaatay hogaamiyaha Golaha midawga Yurub, Charles Michel.
Wasiir Oglo wuxuu caddeeyay mowqifka Turkiga, wuxuuna digniino u diray wasiirka arrimaha dibadda ee Yurub Josep Borrell, madaxweynaha guddiga Yurub Ursula von der Leyen iyo Charles Michel.
dhanka kale Wakiilka Turkiga ee Yurub ayaa ku wareejiyay madaxda hay’adaha Yurub casuumaad uu u fidiyay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan si ay u soo booqdaan dalkiisa, si logu soo bandhigo dalabyada Ankara ee ku aaddan horumarinta xiriirka Midowga Yurub.
sarakiil ka socotay Turkiga ayaa sidoo kale la kulmay Xoghayaha Guud ee NATO, Jens Stoltenberg, kaasi oo ku dhiirrigaliyay Ankara inay xalliso khilaafaadka kala dhexeeya Giriigga.
intii uu socday kulanka Reer Yurub, ayaa waxay kula taliyeen Turkiga, inay ka waantoobaan waxq kasta oo kicin kara xiisadda dagaal, saraakiisha Turkiga ayaa dhankooda sheegay inay qaadan doonaan go’aan ay kaga jawaabayaan cunaqabateynta inta lagu gudajiro shir madaxeedka Yurub ee loo balasanyahay bisha Maarso.
Wasiirada arrimaha dibada midowga yurub aya Isniinta soo socta u balansan kulan ay kaga wada hadli donaan xiriirka udhaxeeya midowga Yurub iyo Turkiga, sida uu ku sheegay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Luxembourg Jan Asselbronn war uu siiyay majalada France Press.