Wasiir Faratoon oo Mashaariic ka dhagax-dhigay Degmada Yogoori ee Gobolka Sool.

Sool(GNN):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee JSL Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud (Faratoon) oo socdaal howleed ku joogga gobolka Sool, ayaa maalintii shalay mashaariic dib-u-dhis iyo horumarin ah ka dhagax-dhigay degmada Yogoori oo ka tirsan gobolkaasi.

Mashaariicdan oo ah dayac-tir iyo balaadhin lagu samaynayo Xafiiska Maamulka Degmada iyo Saldhiga Booliska ee Degmadaasi,  ayaa waxa dhagax-dhiga kala qaybgalay Wasiirka Maamulka Degmada Yogoori, Maayirka Degmada Laascaanood iyo waxgaradka Deegaanka.
Guddoomiyaha Degmada Yogoori Iidle Xuseen Xaaji Maxamuud oo ka hadlay munaasibada, ayaa soo dhaweeyey waxqabadka Xukuumaddu dib ugu hagaajinayso Xafiisyada Maamulka iyo Xarunta Booliska ee Degmada, waxaanu uga mahad-naqay Madaxweynaha iyo Hay’addaha kale ee Xukuumadda.
Guddoomiye Iidle waxa kale oo tilmaamay in ay degmadu baahi weyn u qabtay dayactirka lagu samaynayo xarumahan kala ah  Xafiiska  Maamulka degmada iyo Booliska.
Xubno kamida Waxgaradka iyo Odayaasha Degmada oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa u mahad-celiyey Madaxweynaha JSL  iyo Hay’addaha kale ee ay khusayso horumarinta kaabeyaasha aasaasiga, gar ahaan Wasaaradda horumarinta Maaliyadda iyo wasaaradda howlaha guud iyo guriyeynta, iyagoo dhanka kalena Wasiirka arrimaha dibada uga mahad-naqay doorkiisa suurtogelinta Mashaariicdan.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Yaasiin Xaaji Maxamuud oo ka hadlay xaflada daah-furka dhismaha mashaariicdan, ayaa sheegay in qorshaha maal-gelinta dhismeyaashan Madaxweynuhu amar ku bixiyey, isagoo ka jawaabaya baahida loo qabay, waxaanu maamulka iyo bulshada degmada ku booriyey in aanay dayacin goobaha udub-dhexaadka u ah fulinta shaqada dawladda iyo kuwa  adeegyada aasaasiga ah lagu qabto.
Wasiirka ayaa intaasi raaciyey inay dhismeyaashan wakhti dheer lagu shaqaynayey “Dhismeyaashan waxa la dhisay sanadkii 2004-tii, waad aragtaan dayac badanbaa ku dhacay oo way burbureen. waxaan aad iyo aad ugu mahad-naqayaa Madaxweynaha iyo Wasiirka Maaliyadda oo gartay in dhismahan la soo nooleeyo si uu adeeggii looga baahnaa u fuliyo”ayuu yidhi Wasiir Faratoon.
“Reer Yogoori waxaan leeyahay waa in aad wixii hadda ka dambeeya dhismeyaasha iyo xarumaha muhiimka ah wixii ka xumaada aad hagaajisataan oo aad lacag gelisaan”ayuu raaciyey Wasiirku.
Dhinaca kale waxa halkaasi ka hadlay masuul ka tirsan shirkadda qandaraastay dayactirka dhismeyaashan, waxaanu balanqaaday in ay dhismeyaashan u dhisi doonaan sidii loogu talogalay iyo si ka sii fiican.
Halkan ka Daawo Muuqaal:

Wasiirka ayaa kamid wufuud ka socda Xukuumadda oo gobolka Sool u tegay wacyigelinta howlaha diwaangelinta codbixiyeyaasha oo halkaasi ka bilaabmaysa.