Waxaa Hargaysa Lagu Soo Dhaweeyey Wariye Cosob Oo Ka Tirsan Bahda BBCda Iyo Walaalkeed Cilmi.

Hargeisa(GNN):-Cilmi iyo  Cosob Waxay kamid yihiin Walaalaha Qoys ka kooban ilaa dhawr iyo Toban Caruur oo hooyo iyo aabo wada dhaleen, Waxay u dhasheeen qurbaha Wax ku barteen, Waa Qoysaska Tirada yar ee Ku Sifoobay gaar ahaan inta lagu bartay social Media Ama Baraha Bulshada ee Inta Badan ku caanbaxay ku dhaqanka dhaqan soomaaliga,  diinteeta macaan ee islaamka iyo waddaniyada halka ay kasoo jeedaan oo aaney qarsan jirin islamarkaana ay ku faani jireen.

https://youtu.be/zkz-OaozwSM

https://youtu.be/2WmH8lBoqP0

Hadaba Maanta Ayaa Lagu Soo dhaweeyey Magaalada Hargeisa iyagoo doonaya inay barnaamiyo iyo Muuqaalo manfac u leh bulshada u gudbiyaan.