Xildhibaan Alexandria: Booliska Iyo Xubnaha Jamhuurigaba Waan Ka Baqayey Maliintii Weerarka

Taageerayaasha Trump ayaa raadinayey madaxweyne ku xigeenka Mike Pence iyo hogaamiyaha Dimuqraadiga Nancy Pelosi.

Nasiib iyo nin booliis ah oo karti badan leh ayaa taageerayaasha ka horjoogsaday inay qabsadaan qaar ka mid ah xubnaha Koongaraska.

– Xitaa ma aanan dareemin inay nabdoon tahay inaan aado qolka la ilaalinaayay, maxaa yeelay waxaa halkaas ku sugnaa, taageerayaal iyo wadaniyiin cadaan ah, oo xitaa xubno ka ah Koongaraska, oo aan ogahay inay tilmaami lahaayeen halka aan joogo iyo qofka sidaas sameyn lahaa. suurtagalna ahayd in qof uu i dhaawaco ama i afduubto ama wax la mid ah, Ocasio-Cortez ayaa ku tiri qoraal Instagram soo dhigtay.

Wareysiga ay la yeelatay Rachel Maddow xarunta MSNBC, waxay si faahfaahsan uga sheekeyneysaa waxyaabihii ay soo martay maalintii ay ee Congress-ku ay si rasmi ah u ansixin lahaayeen natiijada doorashadii madaxtinimada, taasoo uu Joe Biden kaga guuleystay codad aad u fara badan Donald Trump.
“Waxaa jira xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo yidhi in Muslimiinta Mareykanka aan loo ogolaan doonin inay qabtaan xafiis siyaasadeed, hadalada oo la mid ah hadalada aan ka aragno xagjirka cadaanka ah,” ayuu yiri.

“Dadka aan cadaanka ahayni kuma nabad galaan dadka xagjirka caddaanka ah iyo ajendahooda, haddii loo doorto Koongareeska iyo haddii kale,” ayuu Ocasio-Cortez ku daray.

Intaas waxaa sii dheer, iyadu ma aysan ogeyn haddii saraakiisha booliska ee Koongarasku ay damacsan yihiin inay caawiyaan ama waxyeeleeyaan. Waxaa la baarayaa in xubno ka tirsan booliska koongareesku ay ka caawiyeen mudaharayaasha inay soo galaan guriga. Waxaan sidoo kale jira in saraakiil boolis ah oo ka kala yimid qeybaha kale ee Mareykanka lagu soo oogay dacwad ah inay ka qeyb qaateen duufaantii congreska.

Exit mobile version