Xubnaha Jamhuuriga Ee Ka Codeeyey Trump Oo Loo Hanjabay

Xisbiga Jamhuuriga ee madaxweyne Donald Trump ayaa aad ugu kala qeybsamay xil ka qaadistii ay soo jeediyeen aqalka Kongreska ee Mareykanka kadib markii toban xildhibaan oo kamid ah xisbigiisa ay u codeeyeen in xilka laga qaado.

Liz Cheney, oo katirsan xisbiga Jamhuuriga, ahna qofka saddexaad ee ugu sarreeya xubnaha Jamhuuriga ee aqalka Kongreska ayaa la kulmeysa cadaadis ah inay iska casisho xubinimada xisbiga kadib markii ay taageertay xil ka qaadista Trump.

Sidookale xubnaha katirsan Jamhuuriga ee taageeray go’aanka aqalka wakiilada ayaa wajahaya hanjabaad, waxayna sheegeen inay adkeeyeen ammaankooda.

Arrinkan ayaa imanaya xilli madaxweyne Trump uu isu diyaarinayo in 20-ka bishan uu xafiiska banneeyo, sidookalena uu wajaho aqalka sare oo go’aanka kama dambeysta ka gaari doonaa xil ka qaadistiisa.

Mrs Cheney oo katirsan xisbiga, kana mid ah xildhibaanada aqalka wakiilada, aabaheedna uu horay usoo noqday madaxweyne ku xigeenkii George W Bush ayaa sidookale kamid ah dadka wajahaya inay iscasilaan.

“Meelna uma socdo, codkana wuxuu ahaa mid ku saabsan sharafkeena”, ayay tiri Cheney oo cadaadis kala kullantay xildhibaanada kale ee ay isku xisbiga yihiin ee katirsan Kongreska.

Xilli dhawaan lagu wado in xilka madaxweynenimo loo caleemo saaro Biden ayaa FBI-da Mareykanka waxay ka digtay suurtagalnimada ah in markale ay dhacaan dibadbaxyo rabshado wato, gaar ahaan caasimadda Washington.
Aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka ayaa markale soo jeediyay in xilka laga qaado madaxweyne Donald Trump kadib markii ay u codeyeen inta badan.

Afhayeenka Kongreska, Nancy Pelosi ayaa maalin kahor si rasmi ah ugu dhawaaqday in markale aqalka ay hogaamiso uu soo jeediyay in xilka laga qaado madaxweyne Donald Trump, waxaana xil ka qaadistiisa loo gudbinayaa aqalka sare ee Mareykanka.

Xildhibaano gaaraya 232 oo katirsan Kongreska ayaa u codeeyay xil ka qaadista Trump kadib markii lagu eedeeyay “kicin dadweyne iyo xil gudasho la’aan”.

Arrintan ayaa ka dhalatay weerarkii taageerayaasha madaxweyne Trump ay dhawaan ku qaadeen aqalka wakiilada ama Kongreska ee dalka Mareykanka.

Xil ka qaadista ay soo jeediyeen aqalka Kongreska ayaa ka duwan tii hore oo markii hore ma aysan jirin xildhibaan katirsan xisbiga madaxweyne Trump oo u codeeyay soo jeedinta xil ka qaadistiisa. Meel marinta arrintan ee aqalka sare ayaa u baahnaan doontaa aqlabiyadda xildhibaanada aqalka sare.

Madaxweyne Trump ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykanka ee mar labaad lasoo jeediyo in xilka laga qaado kadib markii lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay dadkii weeraray aqalka Capitol.