Arday la la’yahay kaddib markii koox hubeysan ay weerareen School

Wararka ka imaanaya magaalada Kagara oo ku taalla waqootiga-dhexe ee dalka Nigeria ayaa sheegaya in koox hubeysan ay weerar ku qaadeen dugsi sare oo wiilasha u gaar ah, ayna afduubteen arday aan wali la ogaanin tiradooda iyo shaqaale kale oo halkaas ka howl-galayay.

Sarkaal maxalli ah oo ku sugan iskuulkaas ayaa BBC-da u sheegay in dableydu ay xaruntaas waxbarasho weerareen aroornimadii hore ee maanta oo Arbaco ah.

Wuxuu intaas ku daray in ay qafaasheen tiro arday ah oo aan la cayimin, afar shaqaale iyo qoysaskooda.

Qaar ka mid ah ardayda ayaa goobta ka baxsaday intii uu weerarka socday.

Mas’uuliyiita ayaa hadda ku mashquulsan tirinta ardayda iskuulkaas, si ay u xaqiijiyaan tirada la afduubtay, sida uu sarkaalka u sheegay BBC-da.

Wali ma cadda cidda weerarkaas fulisay, laakiin afduubka loo sameeyo madaxfurashada darteed ayaa caan ka ah dalka Nigeria.

Gobolka Niger oo iskuulkan uu ku yaallo ayaa ka mid ah meelaha ugu daran ee afduubyada ay ka dhacaan.

Bishii December, in ka badan 300 oo arday wiilal ah ayaa laga afduubtay magaalada Kankara ee gobolka Katsina. Markii dambe waa la sii daayay kaddib wadaxaadood lala yeeshay kooxda qafaalatay.