“Bulshadu Waan in ay Xoojiyaan Barashada Shareecada Islaamka” Guddida Wanaaga Farista

Hargeisa(GNN):–Guddida wanaaag farista iyo xumaan reebida Somaliland ayaa bulshada u soo jeediyay fariimo wacy’gelin ah oo ku saabsan diinta iyo ilaalinta dhaqanka suuban.

Sheekh Muuse Jaamac Cabdi gudoomiyaha guddida wanaaag farista iyo xumaan reebida oo waramaayay wakaaladda wararka ee SOLNA ayaa guud ahaan bulshada Somaliland u soo jeediyay ama ku waaniyay inay xoojiyaan cibaada iyo Alle ka casbiga, isla markaana ay wanaaga faafiyaan, waxanuu intaas ku daray inay addeecaan cidkasta oo u soo jeedisa fariimo ku saabsan dhanka wanaaga iyo wax is tarka.

Gudoomiyaha guddida wanaaag farista iyo xumaan reebida Somalilanad Sheekh Muuse Jaamac wuxuu umaada ku dhiirigeliyay inay xoojiyaan barashada shareecada diinta islaamka, taas oo qofka baraysa waajibka Alle saaray dadka muslimiinta, taas oo keenaysa in dadku ay ku guuleystaan noloshooda if iyo aakhiroba.

Ugu dambayn Sheekh Muuse wuxuu guud ahaan bulshada Somaliland ku baraarujiyay inay xoojiyaan iskaashiga, wax wada qabsiga iyo xoojinta wannaaga dhexdooda.