Duqeyn Lagu Dilay Xubno ka Tirsan Ururka Al-shabaab

Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada hoose ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in duqeyn ka dhacday tuulo ka tirsan degmada Jamaame lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Wararku waxaa ay sheegayaan in duqeyntan ay ka dhacday gaar ahaan deegaanka Buurta Kuumba oo 12KM u jirta Jamaame halkaa oo lagu dilay 15 xubnood oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in howlgalkan iska kaashadeen Ciidanka xoogga dalka iyo saaxibadood caalamka.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay taliska Mareykanka ee AFRICOM oo inta badan faah faahin ka bixiya duqeymaha ay ka fuliyaan Soomaaliya.