Golaha Ammaanka oo ka shiray Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee QM ayaa kulan uu Talaadadii yeeshay kaga hadlay arrimaha Soomaliya, oo xilligan uu ka jiro khilaaf xooggan oo la xiriira qabashada doorashada dalka.

Kulankan oo albaabadu u xirnaayeen ayaa gabagabadiisii, madaxweynaha Golaha ee bishan February, Barbara Woodward oo ah danjiraha dalka Britain u joogta QM ay akhriday war-murtiyeedkii shirka.