Halkan Ka Akhri Sheeko Xiisaleh :Ila Qoso iyo Qalinkii: Abdullahi Mohamed

Beri baa waxa jirey wadaad faruuran oo dugsi Qur’aan (malcaamad) furtay!
Wadaadkii ayaa carruur yaryar oo Qur’aanka bilaabaysa loo keenay.
Wadaadkii ayaa sidii caadada ahayd carruurtii u bilaabay akhriska iyo barashada Qur’aanka Kariimka ah.
Haddaba, waxay dhibaato weyni ka dhacday; sidii ay macallinka iyo yaryarkii isku fahmi lahaayeen! Sababta oo ah, macallinku si sax ah uguma dhawaaqi karayo xuruufta -faruurnida aawadeed!
Ardaygii ugu horreeyey oo wiil yar ahaa ayuu u yeedhay macallinkii- si uu Qur’aanka ugu bilaabo.
Macallinkii oo sanqada ka hadlaya ayaa inankii yaraa Alifkii u bilaabay oo ku yidhi, “Waar Ayif dheh.” Yarkiina wuxu is yidhi sida macallinka u dheh oo markaasuu ka daba yidhi, “Ayif!” Macallinkii oo dhawr jeer yarka ugu celceliyey oo odhan kari waayey waxaan Ayif, ayaa isaga oo xanaaqsan inankii yaraa ku yidhi, ” Waar Ayif ha odhane Ayif dheh!.”
Yarkiina intuu qumaati ugu fiirsaday sida uu macallinku u leeyahay, ayuu mar kale ka daba yidhi,”Ayif!” Bal adiguba isku afgaro!
Keebaa qaldanaa??……

Cabdullaahi Maxamed Cumar

Email: timacadde56@hotmail.com