“Hargeysa waa Magaalo la wada leeyahay” Guddoomiye Faysal Cali Waraabe

Hargeisa(GNN):-Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Caasimadda Hargeysa tahay Magaalo la wada leeyahay, sidaasi darteed Cid kastaa iska sharraxi karto doorashada Baarlamaanka.

Guddoomiyaha UCID  ayaa sheegay in Hargeysa wax ku noqonayso in Beel walba ay Musharraxooda uga qayb-galaya Baarlamaanka ka sharraxaan Caasimadda Hargeysa.

Guddoomiye Faysal oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Hargeysa waa la wada leeyahay, qoladayadii hore ee sheegan jirtay waa lana buquujiyey, hareeraha iyo Miyiga ayaa laga soo wada guuray, annagii baa dirqi ku muuqana, taasi waata keentay inaanu Cid walba ka sharraxno, Akisho ka sharraxno, Madigaan ka sharraxno, Samaroon ka sharraxno Baarlamaanka, waa Caasimad la wada leeyahay, sidaas ayaynu wax ku noqonaynaa.”